DHAGEYSO:Qaar ka mid ah dunida oo maanta laga ciidayo

Waxaa maanta qaar ka mid ah dunida islaamka uga bilaamatay kowda bisha Shawaal kaddib markii xalay ay culimadda badankoodu ku dhawaaqeen inay ciid tahay.
Iyadoo dunida islaamka sida Sacuudiga ay intooda badan isku raaceen inay bari oo Axad ah ciid tahay ayaa haddan waxaa bisha Shawaal laga arkay xalay meelo ka mid ah gudaha dalkina Kenya ,Somalia iyo wadanka Ithiopia.
Culimadda Somaliyeed oo uu ka mid yahay Sheikh Mohamed Cabdi Umal ayaa u xaqiijiyay Musliminta ku nool dalka in manata ay tahay malain farxadeed oo ciid ah.

Iyadoo ay culimada badankooda isku raaceen in maanta ay tahay Koowda bisha Shawaal ayaa haddana waxaa jirto meelo laga sooman yahay sida ismamaulka Mombasa oo ay dad badani ka sooman yihiin .
Gobolka waqooyi bari ayaa maanta ah meelaha ugu badan eel aga ciidayo
Ciidan ayaa ka duwan ciidaha kale iyada oo ay ku soo aaday saameynta uu caabuqa CoronaVirus ku hayo wadamada caalamka.
Dadka muslimiinta ayaa maanta ku qasbanaaday inay farxadda ciida ku qaadaan guriyahooda oo ayna halkaas ku ciibadaystaan maadama aan la ogoleyn in masaajidada la isugu yimaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here