DHAGEYSO:Qaar ka mid ah ismaamullada dalka oo suuqyada xiray

Barasaabka ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Dr. James Njoro ayaa amar ku bixiyay in albaabada la isugu dhufto dhammaan suuqyada dowlad deegaankaas.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in tallaabadan ay tahay mid saameynteeda leh balse aan laga maarmin.

Hasa ahaate ganacsatada Kiambu ayaa amarka la dul dhigay sidatan walaac uga muujiyay

Dowladda ismaamulka Trans-Nzoia ayaa sido kale amartay in la xiro suuqa Kamukunji ee magaalada Kitale si looga hor tago in cudurka Covid-19 uu sii faafo waxayna ganacsatada halkaas sheegayaan in tani ay culeys dhaqaale ku keenayso

Ismaamulka Nakuru, dadka ku ganacsado bartamaha magaalada oo ay mataatuuleyda ka mid tahay ayaa lagu amray inay halkaas isaga baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here