DHAGEYSO:Qaar ka mid ah macallimiinta doonaya in laga soo beddelo waqooyi bari oo tagay xarunta TSC

Waxaa xarunta guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ee magaalada Nairobi isugu tagay macallimiin badan oo wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla ismaamullada gobolka waqooyi bari Kenya.
Waxay doonayaan in halkaas laga soo beddelo oo loo wareejiyo deegaanada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan ama kuwa dariska la ah.
Barayaashan ayaa walaac ka muujinaya amni darrada mararka qaar ka dhacdo gobolka.
Waxay su’aal gelinayana sababta inta badan loo bartilmaameedsado shakhsiyaadka aan deegaanada gobolka u dhalan.
Qaar ka mid ah ayaa in ka badan muddo hal isbuuc ah tagayay xarunta TSC waxayna rajeynayaan in codsiyadooda la tixgeliyo.

Dhawaan ayay ahayd markii agaasimaha waxbarashada ee ismaamulka Garissa Khaliif Sheekh Isaaq uu guddiga TSC ku eedeyay inuu qaadanayo go’aan hal dhinac ah oo xita iyadoo aan lala tashan saraakiisha ammaanka macallimiin la soo beddelaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here