DHAGEYSO:Qaar ka mid ah madaxda Garissa oo shuruud ku xiray ka qeybgalka kulanka BBI

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ismaamulka Garissa ayaa wacad ku maray in aysan ka qayb gali doonin kulanka la xiriira warbixinta guddiga BBI ee lagu wado in uu ka qabsomo magaalada Garissa hadii dowladda aynan wax ka qaban macallimiinta ka soo tagaya ama laga soo wareejinaya gobolka waqooyi bari
Maxamad Mooge ayaa faahfaahinta qodobkan noo soo diray

Dhawaan ayay ahayd markii Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu shaaca ka qaaday inuu soo beddelay dhammaan macallimiinta dhalasho ahaan ka soo jeedo deegaanada kale ee dalka ee wax ka dhigayay dugsiyada ku yaalla ismaamulka Garissa.
Arrintan ayaa timid kaddib weeraro ka dhacay qeybo ka mid ah dowlad deegaankaas oo ay ugu dambeeyeen saddexdii macallin ee lagu dilay tuulada Kamuudeey ee deegaanka Fafi.
Shalay ayay ahayd markii in ka badan 500 oo ah barayaasha ka howlgalo gobolka waqooyi bari ay tageen xarunta TSC ee magaaladatani Nairobi.
Waxay ugu yaraan hal toddobaad codsanayeen in la tixgeliyo cabashoyinkooda maadaama ay sheegayaan inay naftooda u baqayaan.
Agaasimaha TSC u qaabilsan dhanka isgaarsiinta Beatrice Wababu ayaa tallaabada ay qaadeen warbaahinta u xaqiijisay kaddib kulan ay la yeesheen macallimiinta.
Waxay hoosta ka xarriiqday in macallimiinta la siiyay waraaqaha muujinaya xarumaha cusub ee ay ka shaqeyn doonaan.
Hasa ahaate waxay haweeneydan barayaasha aan u dhalan Mandera iyo Wajeer ee halkaas ka howlgallo ay ka codsatay inay tagaan xafiisyada TSC ay ku leedahay dowlad deegaanadaas.
Waxay intaas ku dartay in hadda wada hadal uu socdo kaasoo lagu eegaya codsiyada barayaasha Mandera iyo Wajeer balse go’aanka la qaato la shaacin doono kaddib kulan maanta oo talaado ah qabsoomaya.
Shalay ayay ahayd markii xildhibaanadda laga soo doortay deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa, Safiya Cabdinuur ay albaabada isugu dhufatay xafiiska TSC ee Garissa.
Xildhibaanadda ayaa carrabka ku dhuftay in guddiga TSC looga fadhiyo inuu xal u keeno caqabadda dhanka tacliinta ee waqooyi bari sido kalena ay ku talinaysa in isbeddelada wadanka ka jiro ee ay horseedeyso warbinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ay qeyb ka noqoto in meesha laga saaro guddiga madax bannaan sida TSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here