DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo dalbanaya inuu madaxweyne ku xigeenka wadanka iscasilo

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa dalbanaya inuu xafiiska banneeyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxay ku eedeynayaan inuu xilli hore guda galay ololaha uu ugu jiro inuu sannadka 2022-ka madaxweyne Uhuru Kenyatta kala wareego talada dalka.
Sido kale siyaasiyiintan ayaa ku doodaya in ku xigeenka madaxweynaha wadanka uu u muuqdo inuunan waqti u haynin in Mr. Kenyatta uu ku taageero fulinta qorshayaasha waaweyn ee helidda adeegyo caafimaad oo dhamaystiran, wax soo saarka, la tacaalidda cunno yarida iyo guriyeynta.
Siyaasiyiinta dhaliishan u jeediyay Ruto waxaa ka mid ah xildhibaanka deegaanka Cherangany ,Joshua Kutuny , mudanaha magaalada Nyeri Ngunjiri Wambugu iyo xildhibaanka deegaanka Kiambaa Paul Koinange .

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay u sheegay in socdaalka uu ku tagayo deegaanada kala duwan ee wadanka aynan ahayn olole siyaasadeed balse uu gudanayo waajibaadka saaran ee dhanka horumarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here