DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo doonaya in barasaabyada la eedeyay aan xafiisyada loo diidin

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dalka oo isugu jiro guddoomiyaal iyo senetarro ayaa walaac ka muujiyay amar dhawaan ay ayidda maxkamadda racfaanka kaasoo horay uga soo baxay maxkamadda sare ee dalka.
Senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet , dhigiisa Nandi Samson Cherargei iyo barasaabka Turkana Josphat Nanok ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda uu caqabad ku yahay dowlad wadaajinta.
Waxay sheegeen in hadii barasaabka ismaamulka oo la eedeyay laga hor istaago inuu tago xafiiskiisa ay taasi carqaladeynayso horumarka dowlad deegaanada.

Maalinkii jimcada ayay maxkamadda racfaanka ee dalka ayidday go’aan horay uga soo baxay maxkamadda sare ee dalka kaasoo shaqaalaha dowladda ee musuqmaasuqa lala xiriiriyay ka mamnuucaya inay xafiisyadooda ka howlgalaan.
Barasaabyada ismaamullada Kiambu iyo Samburu ee kala ah Ferdinand Waititu iyo Moses Lenolkulal oo arrintan ay saameysay ayaa ku guul dareystay racfaan ay ka qaateen.
Amarka maxkamadeed ayaa waxaa ku dhawaaqday garsoore Jamila Maxamad oo taageertay mid horay uga soo baxay Mumbi Ngugi oo ka howlgasho maxkamadda sare ee dalka.
Mrs. Maxamad ayaa hoosta ka xarriiqday in guddoomiyaasha la eedeyay oo loo diido inay tagaan xafiisyadii ay bulshada uga adeegayeen aynan micnaheedu ahayn in shaqada laga istaajiyay.
Garsooraha ayaa dhinac isaga dhigtay dacwad ay u soo gudbiyeen qareenada matalaya Mr. Waititu iyo Mr. Lenolkulal.
Waxaa labaduba iyo Mike Sonko oo ah barasaabka caasimadda dalka ee Nairobi loo haystaa wax isdaba marino lacageed oo lagu lunsaday malaayiin shilin kaddib qandaraasyo la bixiyay.
Saddexdan mas’uul ayaa laga mamnuucay inay iska xaadiriyaan xafiisyadooda rasmiga ah ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo dacwadaha lagu soo oogay.
24-kii bishii Toddobaad ee sannadkan ayay ahayd markii garsoore ,Mumbi Ngugi ay go’aamisay in shaqaale dowladeed oo fal musuqmaasuq loo haysto uunan xafiiska uu ka howlgalo tagi karin maadaama laga cabsi qabo inuu faragelin ku sameeyo caddeymaha loo cuskanayo eedeymaha ka dhanka ah.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka ahna guddoomiyaha golaha ay ku mideysanyihiin hoggaamiyaasha dowlad deegaanada ee COG Mr. Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in dowladda dhexe aynan daacad ka ahayn arrinta ku aaddan lacagaha ismaamullada lagu leeyahay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yatani ay barasaabyada ugu baaqeen inay bixiyaan lacago ay ku yeesheen shakhsiyaad iyo shirkado u fidiyay adeegyo kala duwan.
Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay inuu jiro dhaqaale lagu bixin karo lacagaha ka maqan qandaraasleeyda sannado ka hor heshiisyo la galay ismaamullada.
Matiangi ayaa xusay in guddoomiyaasha dowlad deegaanada aynan daacad ka ahayn xallinta arrintan oo ayna maamulka talada haya u jeedinayaan eedeymo waxba kama jiraan ah.
Hasa ahaate Mr.Oparanya ayaa hadalka wasiirka gaashaanka u daruuray.
Mr. Oparanya ayaa difaacay ismaamullada isagoo sheegay inay raacayaan nidaamka u degsan bixinta deymaha wuxuuna dowladda dhexe ugu baaqay inaynan cadaadis dheeraad ah saarin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here