DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ka soo horjeestay afti uu Raila sheegay

Waxaa ay hadal hayn siyaasadeed oo ballaaran ka dhalatay arrin uu maalmo ka hor shaaca ka qaaday madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga.
Mr. Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kisii hoosta ka xarriiqay in ka hor bisha lixaad ee sannadkan ay dalka ka dhacayso afti wax looga beddelayo dastuurka dalka u degsan.
Waxaa uu intaas ku daray in wakiillada ismaamullada kala duwan laga doonayo inay qabtaan kulamo ay dadweynaha ku wacyi gelinayaan arrimaha warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI

 

Hasa ahaate hadalka Raila waxaa ka soo horjeestay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale iyo dhigiisa aqalka sare Kipchumba Murkomen.
Waxay labaduba sheegeen inaynan suurtagal ahayn in sannadkan gudihiisa la qabto afti maadaama taasi ay u baahan tahay waqti iyo diyaar garoow badan.
Dhanka kale xoghayaha guud ee ururka macallimiinta ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa soo jeediyay in aftida wax looga beddelayo dastuurka la soo dedejiyo si looga gudbo hadal haynta siyaasadeed ee dalka ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here