DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubilee oo diidan in xilka laga qaado Kindiki

Siyaasiyiinta bartamaha dalka

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka bartmaha dalka gaar ahaan dhanka bari ayaa ka soo horjeestay in xilka laga qaado guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ee dalka ahna senetarka ismaamulka Tharaka Nithi Prof. Kithure Kindiki.
Waxay sheegayaan inay kaalin weyn ka qaateen in la soo dhiso maamulka hadda talada haya ee Jubilee.
Mas’uuliyiintan oo ay ka mid tahay wakiilka haweenka ee dowlad deegaanka Tharaka Nithi ayaa sheegaya in xilka uu Kindiki haya uu yahay midka kale ee sare ee ay ku leeyihiin dowladda sidaas awgeedna aynan diyaar u ahayn in laga xayuubiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here