DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubilee oo diiday inay ka qeyb galaan kulan maanta qabsoomaya

Iyadoo maanta xisbiga talada haya ee Jubilee uu yeelanaya kulan baarlamaani ah ayaa waxaa jiro siyaasiyiin ka tirsan oo sheegay inaynan shirkan ka qeyb geli doonin.
Xildhibaanka deegaanka Bahati ee ismaamulka Nakuru Kimani Ngunjiri iyo dhigiisa Kapseret Oscar Sudi wacad ku maray inaynan kulanka ka dhacaya xarunta KICC ee magaaladatani Nairobi iska xaadirin doonin.
Waxay ku andacoonayaan in xushmad darro loo muujiyay sidaas awgeedna ay soo dhaweynayaan isbeddel kasta oo uu xisbigu sameeyo.
Siyaasiyiintan ayaa sida ay hadalka u dhigeen sheegay inaynan aflagaaddo diyaar u ahayn.

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ah madaxa Jubilee ayaa kulankan shir guddoomin doono isagoo ku sugan madaxtooyada State House.
Waxaa uu kulanka uga qeyb qaadan doonaa muuqaalka online-ka ee la iska dhex arko.
Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu billowdo 9-ka subaxnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here