DHAGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta waqooyi bari oo taageeray guddiga dib u heshiisiinta ee BBI

Qaar ka mid ah madaxda laga soo doortay ismaamulada gobolka waqooyi bari gaar ahaan Wajeer iyo Garissa ayaa sheegay inay taagerayaan guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud, guddoomiye ku xigeenka Garissa Cabdi Dhaqane iyo wakiilka deegaanka hoose ee Galbeed ee Garissa Cabdirisaaq Ismaaciil ayaa hoosta ka xarriiqay in maadaama ujeedadii laga lahaa soo magacaabidda xubnaha guddiga BBI ay ahayd in kenyaanka la mideeyo ay taasi soo dhaweynayaan.

Hadalada mas’uuliyiintan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan la filayo in guddigan uu warbixin ka soo saaro ilaa sagaal qodob oo shacabka ay ka soo ra’yi dhiibteen.
Guddigan ayaa la soo magacaabay kaddib markii 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore ay kulan taariikhi ah yeesheen madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Nasa Raila Odinga.
Kulankaasi iyo heshiis xigay oo labadan mas’uul ay wada gaareen ayaa wadanka xasilooni buuxda u horseeday waxaana meesha ka baxday xaaladdii cakirneyd ee siyaasadeed ee xilligaasi dalka ka taagneyd.
Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga oo xuska maalinka qaran ee halyeeyada kaga qeyb galay magaalada Mombasa uu shacabka Kenyaanka ah ku booriyay inay taageeraan guddiga BBI.
Mr. Odinga ayaa sheegay in iyadoo laga faaiidaysanaya guddiga dib u heshiisiinta la joogo xilligii la xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka si horumar wax ku ool ah loogu tallaabsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here