DHAGEYSO:Qaar ka mid ah wakiilada Trans Nzoia oo baaq u diray wasiirka arrimaha gudaha

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta laga soo doortay deegaanada hoose ee ismaamulka Trans Nzoia ayaa Dowladda ugu baaqay inay joojiso baabuurta ka safro magaalada Nairobi ee halkaas tago.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayay ka codsadeen inuu saraakiisha ammaanka ku amro inay sameeyaan howlgalo arrinkan ku aaddan.
Wakiillada ayaa hoosta ka xarriiqay in kiisaska cudurka Covid19 ee ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay ay u badan yihiin Nairobi dhanka kalena weli ay socdaan safarrada ku dhaxeeya caasimadda dalka iyo ismaamullada kale.
Siyaasiyiintan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kitale ayaa ku nuuxnuuxsaday in Dowladda laga doonayo inay qaaddo tallaabo lagu xaqiijinaya in cudurka uunan ismaamullada ay Trans Nzoia ka mid tahay u gudbin.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu ka digay in laga safro magaala madaxda wadanka oo kiisaska badankoodu lagu arkay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here