DHAGEYSO:Qaar ka mid ah waxgaradka Tana River oo nabad ku baaqay

Qaar ka mid ah waxgaradka ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta ayaa ku baaqay in lagu dadaalo sidii looga hortagi lahaa inay iskudhacyo dhex maraan shacabka dowlad deegaanada dariska ah ee Tana River iyo Garissa.
Arrintan ayaa timid kaddib markii hadalo iyo jawaabo ay dhawaan bixiyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta loo arkay kuwo keeni karo kicin dadweyne.
Waxay waxgaradku sheegeen in labada dhinac ay horay arrimo u dhexeyeen balse hadda la xalliyay oo si nabad ah lagu wada nool yahay sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in laga hor tago wax kasta oo qalalaase keeni karo.

Jimcihii ayay ahayd markii guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay hadalo ay dhawaan jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulada Garissa, Tana River iyo Marsabit kuwaasoo keeni karo kicin dadweyne.
Guddiga ayaa sheegay inuu ka war helay hadalo uu ku tilmaamay kuwo aan loo fiirsan oo ka soo baxay qaar ka mid ah siyaasiyiinta.
NCIC ayaa sheegtay in bulshooyinka ku nool dowlad deegaanadan inay sanado badan si nabad ah u wada degganayeen sidaasi awgeedna uu walaac ka muujinayo hadalada mid ka mid ah xildhibaanada Garissa iyo jawaabta ay bixisay wakiilka haweenka ee Tana River.
Siyaasiyiinta ayaa looga digay inay sii wadaan hadalada xanafta leh ee bulshada isku diri karo ee ay jeedinayaan haddii kale tallaabo degdeg oo dhanka sharciga ah laga qaadayo.
NCIC ayaa sheegtay in haddii dhibaato ay ka dhalato hadal uu siyaasi jeediyay isaga si shakhsi ah loola xisaabtamayo.
Qoraalka guddigan oo lagu daabacay bartiisa rasmiga ee Twitarka ayaa waxaa qeyb ka ah in NCIC oo kaashanaysa saraakiisha ammaanka ay si dhow ula socoto isku soo baxyada siyaasadeed iyo goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan.
Siyaasiyiinta ismaamulka Marsabit ayaa loogu baaqay inay wasaaradda arrimaha gudaha iyo ururada diimeed gacan ku siiyaan sidii looga gudbi lahaa falal amni darro oo maalmo ka hor dhacay iyo in laga hor tago inay mar kale dhacaan si aynan saameyn uga dhalan.
Xoghayaha guddiga NCIC Xassan Sheekh Maxamuud ayaa qoraalka uu saxiixay waxaa uu bulshooyinka ku nool Garissa, Tana River iyo Marsabit ugu baaqay inay isku dulqaataan oo ay si nabad ah ku wada noolaadaan xita iyagoo xaalado adag wajahaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in NCIC ay ku dadaalayso sidii loo xoojin lahaa midnimada, wadajirka iyo isdhexgalka ka dhexeya qowmiyadaha kala duwan ee wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here