DHAGEYSO:Qaar ka mid wakiilada Kiambu oo ka soo horjeestay xilka ka qaadistii Waititu

Qaar ka mid ah wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka ayaa ka soo horjeestay xilka qaadistii shalay lagu sameeyay barasaabka dowlad deegaankaas Ferdinand Waititu.
Waxay sheegayaan in xil ka xayuubinta guddoomiyaha aan loo raacin qaabka habboon ee sharciga waafaqsan.
Barasaabka ismaamul goboleedaka Kiambu, Ferdinand Waititu ayaa loo qaaday cod ka dhan ah kaddib markii lagu eedeeyay inuunan u hoggaansamin shuruucda dastuuriga ee u degsan soo iibsashada qalabka.
Sido kale waxay ku dhaliileen maamul xumo, inuu lunsaday kheyraadka dadweynaha iyo inuu awoodiisa ku takriifalay.
63 ka mid ah wakiilada aqalka baarlamaanka hoose ee Kiambu ayaa u codeeyay inuu xafiiska banneeyo Waititu halka 28 kalena ay golaha ka maqnaayeen.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Waititu taabacsan ayaa sheegay inay maxkamadda geynayaan dacwad ay kaga soo horjeedaan xil ka qaadistiisa.

 

Waxaa hadda arrintan lagu wareejinaya aqalka sare oo eegaya inay dhab yihiin qodobbadii loo cuskaday qorshaha Waititu uu xafiiska ku banneynayo kaddibna barasaabka ayaa fursad loo siin doonaa inuu iska difaaco waxyaabaha lagu soo oogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here