DHAGEYSO:Qalalaase ka dhacay golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ayaa sheegaya inuu qalalaase saameeyay golaha hoose ee dowlad deegaankaas.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo wakiillada Kirinyaga ay maanta ka doodayaan mooshin looga gol leeyahay in xilka looga qaado guddoomiyaha dowlad deegaankaas Anne Waiguru oo ay maamul xumo ku eedeynayaan.
Mrs. Waiguru ayaa wajahaysa eedeymo la xiriirra musuqmaasuqa iyo inay awoodeeda ku takriifashay.
24 ka mid ah wakiillada ayaa la soo tabiyay inay xalay seexdeen gudaha xarunta golaha hoose ee Kirinyaga si ay ugu diyaar garobaan doodda maanta dhacaysa
Mid ka mid ah wakiilada ayaa ka hadlay xilka qaadista ay la damacsan yihiin barasaabka in kastoo Waiguru ay dhankeeda arrinkaas ku tilmaantay mid siyaasadeysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here