DHAGEYSO:Qareen Cabdiqaadir:Soomaalida Kenya qalin laguma yareyn karo

Cabdiqaadir Maxamad oo ah qareen horay u soo noqday xildhibaanka bartmaha Mandera sido kalena ahaa la taliyihii madaxweynaha ee arrimaha dastuurka ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka aan bahwadaagga nahay ee STN waxaa uu kaga hadlay qodobbo dhowr ah.
Xilli uu u warramay wariyayaga Cabdinuur Cali Elxaadji ayuu nasiib darro ku tilmaamay saameynta Mandera ka soo gaartay iskudhacyo dhanka beledxaawo ku dhexmaray ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland

Garyaqaanka ayaa faahfaahin ka bixiyay nidaamka habboon ee la doonayo in la raaco si ciidamo ay ku galaan wadan kale isagoo tusaale u soo qaatay saraakiisha difaaca ee Kenya ee ku sugan soomaaliya

Qareen Cabdiqaadir Maxamad ayaa sido kale sheegay in sharci ahaan aynan qasab ahayn in marka mudanaha uu dal dibadiisa aadaya uu ka fasax qaato guddoomiyaha baarlamaanka ama wasaaradda arrimaha dibadda

Mudanihii hore ee bartamaha Mandera ayaa sido kale shacabka gobolka waqooyi bari iyo siyaasiyiinta ku boorriyay inay u wada istaagaan xal u helidda amni darrada .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda laga doonayo inay mudnaanta koobaad siiyaan xal u raadinta dhibaatooyinka taagan oo aynan ka doorbidin BBI iyo u xaglinta dhanka xisbiyada siyaasadeed ee ay ka tirsan yihiin.

Haddaba maxaa xal u ah macallin la’aanta ka jirta ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera, waa kan qareen Cabdiqaadir Maxamad oo taasi ka hadlaya.

Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaan laga run sheegin tirada shacabka waqooyi bari

Ugu dambeyn farriintan ayuu u diray shacabka gobolka waqooyi bari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here