DHAGEYSO:Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo xalay la Buufiyay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19.
Booyado sida suntan oo ku buufinayo xaafadaha qaar iyo wadooyinka waa weyn ee Caasimada ayaa Xalay halkaas lagu arkayay ayadoo dhanka kale Magaalada Muqdisho ay Habeenkii ku jirto Bandow 8 bilowda kuna ek 5 Subaxnimo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in dowlada dhexe iyo maamulka Gobolka oo iskaashnaya ay go’aansadeen in howshaan ay bilaabaan wuxuuna intaas raaciyay in Buufinta Magaalada Muqdisho Xaafadaheedu ay sii soconayaan ilaa iyo inta cudurku halkaas ka jir.

Agaasimaha Caafimaadka ee dowlada Hoose ee Xamar iyo gudoomiye ku xigeenka Arimaha bushada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa labaduba sheegay inay howshaan qaybka tahay dadaalada cudurka lagu Xakamaynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here