DHAGEYSO:QM oo ka walaacsan fatahaadaha Wabiga iyo Gargaar Beledweyne loo waday oo baaqday.

Wararka aan ka helayno Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya inay maalinkii labaad Baaqdeen diyaaradihii siday Gargaarka ee lagu waday inay Magaalada Beledweyne Gaadhsiiyaan gurmad maadaama uu halkaas Xalay ka da’ay roob xooggan.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay inay dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga xiligaan wajahayaan xaalado aad u adag.
Roobka xalay ka da’ay gobolka hiiraan ayaa sii cakiray xaaladii adkayd ee lala tacaalayay caqabada ugu weyn ayaana noqotay inaysan halkaas ka dagi Karin diyaaradaha gargaarka sida ee Magaalada beledweyne.
Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabbilsan arimaha dalka Soomaaliya Danjire; James Swan, ayaa sheegay inay hay’adaha Caalamiga diyaar u yihiin taageerada loogu gurmanayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee mara qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
James Swan; ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay Sidii ay Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, ugala shaqayn lahayd gurmadka loo fidinayo Dadka ku dhibaateysan fatahaadaha Wabiyada.
Waxa uu tilmaamay in Hay’ada Cunnada Adduunka ee WFP ay diyaarinayso Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo u gogol xaaraya taageeridda dadaallada wax qabadka Bini’aaddannimo ee Magaalada Baladweyne iyo goobaha kale ee ay dhibaatadu Xiligaan ka jirto.
Wuxuu Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya uga mahadceliyay in si ku meel gaar ah loo adeegsado helikobtarrada,si ay Gacan uga geystaan fulinta hawlgallada baadigoobka iyo samata bixinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha wabiga Shabelle ee Magaalada Beledweyn.
James Swan Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aaddamnimada iyo hay’adaha samafalka ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta ku howlan gurmadka si deg-deg loogu gaarsiiyo gurmadka lagu badbaadinayo Dadka dhibaataysan.
Saamaynta balaadhan ayaa ka dhalatay Fatahaadaha wabiga iyo sidoo kale roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay inta badan gobolada Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada Warfaafinta dowlada Soomaaliya ayaa ku baaqay inaan la siyaasadayn arinta fatahaadaha oo isku duubni lagu wajaho maadaama ay dowladu bixinayso waxkasta oo Karaankooda ah ayadoo madaxda dalka ugu Saraysa sida Madaxweynaha Ra’isulwasaaraha iyo labada gudoon ee Baarlamaanku ay Mushaarkoodii ugu deeqeen dadka dhibaataysan.

Midoyga Yurub ayaa sheegay inay dhankooda dowlada Soomaaliyeed ku taageerayaan Malaayiin Dollar oo lagu caawinayo dadka ay Farahaaduhu Saameeyeen ee gobolada dalka Soomaaliya.
Waxay midowgu Yurub Tilmaameen inay si dhow ula Socdaan xaaladaha deegaanada ay maraan Wabiyada Shabeelle iyo Juba oo deegaano dhowr ah Fatahaado ka sameeyay.
Wali waxaa xaafado katirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan ku go’doonsan dad uu saameeyey fahaada Wabiga Shabeelle,oo aan fursad u helin inay ka baxaan ama laga soo saaro meelaha ay ku go’doonsan yihiin.
Xaafadaha ay dadka ku go’doonsan yihiin ee Baladweyne ayaa waxaa kamid ah xaafada Kooshin gaar ahaan Laanta Raadeerka,waxana ku sugan Qoysas wali badbaadin u baahan.
Mid kamid ah dadka ku xayiran xaafada kooshin ee degmada Beledweyn oo lagu Magacaabo Faarax Jire ayaa warbaahinta u sheegay in xaafada ay ku sugan yihiin uu saameeyey fatahaada,isla markaana aysan heysan Hoy ay uga gabadaan qabowga jira iyo qaab ay meesha uga baxaan midna.
Waxaa uu Tilmaamay inuusan heysan raashinkii uu cuni lahaa,hayeeshee uu maalin walba isticmaalo Caano uu kasoo liso hal Sac oo u joogo aysana jirin wax gurmad ah oo uu wali Helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here