DHAGEYSO:Qof lagu dilay Qalaanqale iyo Mareerguur oo shacab lagu weeraray ee Gobolka galgaduud

Gelinkii danbe ee shalay ayaa la sheegay in qof xoola dhaqatada deegaanka qalaanqale ee gobolka galgaduud dil loo geeystay kaddib markii ay maleeshiyo aano qabiil raadsaneeysay ay weerartay ninka dhintay.
Waxaana xalay dhacay weerar gaari nuuca raaxada ah loo adeegsaday oo lagu qaaday deegaanka mareergur ee isla gobolka galgaduud
meel lagu caweeyo oo deegaanka mareergur ku taalla ayaa rasaas lagu furay dad dhallinyaro u badan oo goobtaas joogay, waxaana la sheegay in ilaa lix qof ay weerarkaas ku dhaawacmeen
Bashiir Maxamad Salaad oo ah madaxa warfaafinta maamulka caasimadda galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu dhacdadaan waraysi ka siiyay wariyaheen Cubeyd Xassan Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here