DHAGEYSO:Qorshaha xukuumadda Soomaaliya oo la soo bandhigay

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay shirkaasi uga hadleen Qorshaha 100-ka Maalmood ee ugu horaysa mudda Xileedkooda iyo Hirgalinta qorsha Doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed oo hadda la gudagalayo.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ku xigeenkiisa Mahdi Gulled iyo Xubnaha Golaha Wasiirada waxaana lagu soo bandhigay qorshaha ama howlaha ugu muhiimsan ee ay tahay inay wasiirada Cusub ee Soomaaliya ku qabtaan 100-ka maalmood ee ugu horaysa Mudfo Xileedkooda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wasiirada ka hor akhriyay qodobada uu doonayo in diiradda la saaro sidoo kalena laga miradhaliyo 100-ka maalmood ee nagu soo aadan kuwaasoo ay doorashadau ugu horayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here