DHAGEYSO:Qoysas ay noloshooda maarayn jireen carruur caseeyeyaal ah kuna dhintay qarax oo xaalad adag soo wajahday

Waxaa lagu soo waramayaa inay noloshooda Xaalad aadag soo foodsaartay Qoysas ay noloshooda Maarayn jireen Qarax Isniintii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Hooyo Ca’isha Maxamed Aadan iyo Aabe Cali Macalin C/Raxmaan waxay Hal mar ah waayeen ishii dhaqaalaha ee qoyskood sidoo kale Labadoodii WiiL ee Ilaahay ka sokow reerka noloshiisa Gacanta ku hayay kuwaasoo 9-kii bishaan ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho kaddib qarax uu fuliyay ruux isa soo miidaamiyay.
Waxay sheegeen inay Niyad Jab weyn ku reebtay geerida C/Maalik iyo Cabdinaasir oo kala ahaa 12 sano jir iyo 13 sano jir qoyskooda Masuuliyadiisana dhabarka u ritay ayagoo aad u da’yar balse aan sii raagin oo gacan ka xaqdarani dishay inkastoo labaduba ku qanacsan yihiin qadarka Eebe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here