DHAGEYSO:Qoysas karantiil lagu galiyay Mandera

3 qof oo degan ismamaulka Mandera oo karantiil lagu galiyay guriyahooda ayaa ka cabanayaa inaysan heysan nolol fiican maadama lagu gudi jiri bisha barakeysa ee ramadan.
Waxaa ay sheegeen inaysan guriyaha ka bixi Karin loona soo gali Karin ka dib markii mid ka mid ah oo qoysaskaas ka tirsanaa laga helay caabuqa CoronaVirus.
Qofka laga helay ayaa la sheegay inuu ahaa nin askari ah.
Sido kale dadkan oo la hadlay idaacadda Star Fm ayaa sheegay in laga baaray xanuunka Corona ayna wali sugayaan natijada baritaanadooda.
Waxaa ayna codsanayaan in loo soo gargaaro
Wariyaheen Mowlid Maxamed Shuuriye ayana u waramayaan.

Wali dhanka dowladda arrintan ma aysan ka bixin jawaab balse wixii ku soo kordha wararka yaga dambe ayaad ku maqli doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here