DHAGEYSO:Qoysaska ku nool meelaha daadadka u nugul oo goobo kale loo raraya

Dowladda ayaa billowday inay qoysaska deggan meelaha ay inta badan saameynta ka soo gaarto daadadka u wareejiso goobaha uu jooggoodu sarreeya.
Shacabka ku nool hareeraha webiyaha iyo biyo xireennada kala duwan ee dalka ayaa loogu baaqay inaynan sugin inay ay fatahaadaha ka saameynayaan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in hadii dadkan aynan u dhaga nuglaan talada dowladda si Khasab ah looga saaraya meelaha ay hadda deggan yihiin.
Ugu yaraan 194 qof ayaa ilaa iyo hadda ku nafwaayay daadadka ka dhashay roobabka culus ee ka da’aya qeybaha kala duwan ee dalka.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa dhankiisa sheegay in guud ahaan wadanka laga sameeyay xerooyin ku meel gaar ah oo dhan 25 si ay hooy uga helaan barakacayaasha.
Waxaa uu Oguna sheegay in dadka deggan hareeraha webiga Tana River ee ismaamullada Garissa iyo Tana River ee diiday inay meelo kale u wareegaan halkaas laga rari doono.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa faahfaahin ka bixinaya dadaallada dowladda dhexe ay ku caawinayso barakacayaasha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here