DHAGEYSO:Qoyska xildhibaankii Matungu oo beeniyay inuu COVID-19 u dhintay

Xubnaha qoyska mudanihii deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega Justus Murunga oo xalay fiidkii geeriyooday ayaa beeniyay inuu u dhintay cudurka COVID-19.
Asman Angara oo u hadlay qoyska ayaa sheegay in xildhibaanka laga baaray cudurka kaddibna laga waayay.
Waxaa uu cambaareeyay shakhsiyaadka faafinaya wararka sheegaya in COVID-19 uu galaftay nolosha Justus Murunga.

Xildhibaanka ayaa xalay loola cararay isbitaalka St Mary’s ee magaalada Mumias isagoona daqiiqado kaddib geeriyooday.
Labo todobaad ka hor ayaa la dhigay isbitaalka Aga Khan ee ismaamulka Kisumu isagoona laga daaweenayay xanuunada dhiig karka iyo macaanka
Xildhibaanka ayaa laga soo saaray isbitaalka Aga Khan ee Kisumu maalintii Khamiista ee toddobaadki hore islamarkaana waxaa uu ku soo kabanayay gurigiisa oo ku yaala tuulada Emakunda ee deegaanka Matungu waxaa uuna ugu dambeyn dhintay xalay kaddib markii ay ku adkaatay neefsashada.
Mr. Justus Murunga ayaa dhashay sannadki 1961 waxayna da’adiisu ahayd 59 sano.
Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray, shacabka , qoyska , ehellada iyo asxaabta uu ka baxay xildhibaanka.
Mr. Kenyatta ayaa mas’uulka geeriyooday ku tilmaamay shakhsi howlkar ahaa oo si ay daacadnimo ku dheehan tahay oo hagar la’aan ah ugu adeegayay shacabki u matalayay.
Madaxweynaha dalka ayaa intaa ku daray in Justus Murunga uu xoogga saarayay wanaajinta nolosha shacabka deegaanka Matungu
Waxaa uu madaxweynaha xusay inuu murugada la qaybsanaya shacabka iyo qoyska uu xildhibaankan ka baxay.
Waxaa sidoo kale geerida mudanaha ka tacsiyadeeyay madax kala duwan sida madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya, senetarkii hore ee Kakamega Boni Khalwale, xildhibaanka Khwisero Christopher Aseka iyo senetarka Kakamega Cleophas Malala.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here