DHAGEYSO:Rabshada ka dhashay Laba qof oo Garissa lagu dilay

Laba qof oo shacab ah ayaa booliska lagu eedeynaya inay ku dileen magaalada Garissa, gaar ahaan Suuqa Xoolaha taasi oo dhalisay rabshado.
Maamulka madaxa baanan ee dusha kala socda howlaha booliska IPOA ayaa daahfuuray baaritanka dilka labada qof.
War saxaafadeed ay soo sareen IPOA ayaa ku xusan in saraakiil ka tirsan mamuulka ay gaareen magaalada Garissa, waxayna sheegeen in marka ay dhameeyaan baaritaanada ay soo saari doonaan soo jeedin oo ay ka mid tahay in dacwad lagu soo oogo sarakiisha dilka geysatay hadii lagu cadeeyo dambiga.
IPOA ayaa ugu yeertay shacabka inay xasilooni muujiyaan oo ay mamuulka u soo gudbiyaan dambi walba.
Afhayeenka booliska ee dalka Charles Owino ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay sarkaalkii dilka geystay.
Xildhibanka magaalada Garissa Aden Bare Ducaale ayaa ka hadlay asaga oo sheegay inay tahay mid laga xumaado.

Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah shacabka magalada Garissa oo goob joog ahaa iyo qaar ka mid ah qaraabada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here