DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo Muqdisho dib ugu laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdigii kale oo ay hogaaminayaan oo afartii maalin ee lasoo dhaafay wadanka Jamhuuriyada Djibouti u joogay wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa Xalay waxay dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Markii gudigu ay ka soo dageen gagida diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Adan Cabdulle Cismaan ayaa waxaa waxyaabaha lagu heshiiyay kuwa la doonayo in lagu talaabo qaado iyo gudiyada loo magacaabay sii anba qaadida Wahadaladaan Masiiriga ah warbaahinta faahfaahin ka siiyay wasiirka wasaarada arimaha gudaha Fedraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dalka Soomaaliya Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo iyagana gudiga ka tirsan ayaa faahfaahiyay muhiimada shirka iyo waxyaabaha uu kaga duwanaa shirarkii hore ee Soomaaliya iyo Soomaaliland dhexmari jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here