DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo amray in la furo waddooyin muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda Muqdisho, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa fududaynta isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay inay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda dalka.
Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in Bulshada Caasimadda ay la wadaageen sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kastana ay waajib Qaran ku tahay fashilinta dhagarta ay soo maleegayaan kooxaha argagixisada loogu yeero.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, wuxuuna ku adkeeyey inay sii dhammeystiraan, korna u qaadayaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeega ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, isagoo tilmaamay inay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey weerarada Al-Shabaab.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimada ay leedahay Furitaanka wadadaan waxayna sheegeen in maanta laga bilaabo ay si caadi ah u adeegsan doonaan wadada Tarabuunka shacabka iyo gaadiidka muddo ku dhow 10 sano oo ay Xirneed kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here