DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo bogaadiyay heshiis ay Maraykanka la saxiixdeen

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa goob joog ka ahaa Heshiis dhanka Dayn cafiska ah oo ay kala saxiixdeen dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya,waxayna Dowladda Maraykanka ka cafisay Lacago dayn ah oo ay Dalka Soomaaliya Muddo badan ku lahayd.
Heshiiskaan ayaa waxuu qayb ka ahaa Shirkii Naadiga Paris ee bishii March oo lagu go’aamiyay in dalka Soomaaliya laga Cafiyo dayn dhan 1.4 Bilyan oo Dollar oo ay kula haayeen dalal kala duwan,kaasoo sidoo kale dhigaya in dowladda Soomaaliya ay mid mid ula saxiixato heshiis ay daymaha uga cafinayaa 10 dal ee ku leh lacagta ugu badan.
Dhanka dowladda Maraykanka waxaa Heshiiskaan u saxiixay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Donld Yamamooto halka dhinaca Soomaaliyana uu u saxiixay Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo sheegay inuu si aad ah Talaabadaan u soo dhawaynayo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dowladda Maraykanka kaga mahadceliyay Taageerada joogtada ah ee ay Siiso Soomaaliya.

Tallaabadaan ay dowladda Maraykanka uga Cafisay qaybtii uga soo aaday daymaha dalka Soomaaliya lagu leeyahay loo arkaan guul kale oo Soomaaliya u sii dhawaynaysa in gabi ahaanba si buuxda looga cafiyo dowladaha ay ku leeyihiin dalalka ku midaysan naadigaa Paris.ayna u qaado Tallooyin dhaqalaha lagu hormarinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here