DHAGEYSO:Ra’iisul wasaare Khayre oo xalay kormeer sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa xalay Kormeer ku tagey in ka badan 30 isgoys oo laga sugo Amniga Caasimadda soomaaliya ee Muqdisho isagoo kulan isugu yeeray hay’adaha amniga.
Kormeerka Khayre ee xalay ayaa ahaa mid kadis ah oo uu ku tagay baraha gadiidka lagu hubiyo ee ku yaalla Wadooyinka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu halkaasi kula kulmay askarta ku jirtay Heeganka,isla markaana waxa uu ka xog wareestay qaabka ay u howlgalaan.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya CabdiNaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in kormeerka ra’iisul Wasaaraha aysan cidna ku wehlin,isla markaana uu u kuur galayay sida ay u shaqeyaan Ciidamada ku sugan Baraha Koontorool ee Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka ayaa sido kale faahfaahiyay qodobadii looga hadlay kulankaasi uu ra’iisul wasaaraha la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha amniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here