DHAGEYSO:Raila Odinga oo dalbaday in cunno loo qeybiyo shacabka inta aan xayiraad buuxda lagu dhawaaqin

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM , Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay baaqa ku saabsan hadii xaaladda hadda taagan ee la xiriirta faafitaanka cudurka Covid-19 ay sii xumaato in la soo rogo xayiraad buuxda oo dhanka isku socodka ah.
Balse waxa uu dhanka kale xusay in dowlada ay marka hore qorsheeyso sidii gargaar cunno loo gaarsiin laha Kenyaanka saboolka ah iyo kuwa dakhligooda uu hooseeyo.
Mr Odinga ayaa sheegay in loo baahan yahay meel loogu keydiyo cunnoyinka si loo caawiyo dadka ku nool xaafadaha isku raranta ee ay inta badan ku nool yihiin dadka danyarta ah hadii ay dhacdo xayiraad la xiriirta dhaqdhaqaaqa dadweynaha.
Wuxuu Raila tilmaamay inay tahay in dowladdu ay fiiro gaar ah u lahaato xaafadaha sida Kibra, Mukuru Kwa Njenga, Mathare, Kangemi oo ka mid ah isku raranta ku yaalla magaalada Nairobi iyo sidoo kale ismaamulada kale ee dalka sida Mombasa, Nakuru, Eldoret, Kisumu iyo Kakamega .
Xilli uu oo wareysi gaar ah siinayay idaacadda Radio Citizen ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka sheegay in Kenya ay hadda xoogga saarayso sidii ay wax uga qaban lahayd musiibadani dunida ku hubsatay oo ay tahay inaysan ka labalabeynin inay go’aamo aan wanaagsaneyn ka qaadato xakameynta xanuunka sii fidaya.
Mr Odinga ayaa sidoo kale ku booriyay hoggaamiyaasha inaysan kaliya guryaha ku ekaan balse ay u soo baxaan inay gacan u fidyaan ama deeq gaar siiyaan dadka ay noloshoodu liidata.
Waxaa u intaa ku daray in xilidhibaanada iyo siyaasiyiintu aysan ka xishoon inay la socdaan xaaladooda caafimaad ee la xiriirta feyraska corona ayna qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago faafitaanka cudurka.
Waxaa uu uga digay shacabka Keenyaanka inay faafiyaan wararka beenta ee la xiriira cabuqa Covid-19.

Dhanka kale Mr. Raila Odinga ayaa sheegay in cudurka wadanka iyo guud ahaan caalamka ka jiro ee Coronavirus uunan istaajin Karin arrimaha BBI.
Mr. Odinga oo wareysi gaar ah siinayay idaacadda Radio Citizen ayaa shacabka dalka u sheegay inay isku diyaariyaan afti wax looga beddelayo dastuurka
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka la xakameeyo faafitaanka xanuunka ay sidii caadiga ahayd u sii soconayaan barnaamijyada ku aadan dib u heshiinsiinta dadweynaha iyo xal u helidda tabashooyinka ay qabaan.
Raila Odinga ayaa hakadka ku yimid howlihii guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta kenyaanka ee BBI la barbardhigay kala barka cayaarta ee ay cayaartooyda nastaan.
Waxaa uu sido kale cid kasta oo isku aragta astaamaha cudurka kugu baaqay inaynan ka xishoon ama ceeb u arkin inay tagto xarun caafimaad si loo baaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here