DHAGEYSO:Raila Odinga oo dhaliilay senatarrada ka soo horjeedo nidaamka dakhli qaybsiga

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga ayaa dhaliil u jeediyay senatarrada ka soo horjeestay ansaxinta nidaamka saddexaad ee la doonayo in ismaamullada ay ku qaybsadaan dakhliga soo galo.
Raila oo la kulmay madaxda ismaamulka Kakamega ayaa sheegay in senatar kasta oo dowlad deegaankiisa uu helayo lacago dheerad ah haddana aan taageersanayn uu dani gaar ah leeyahay.
Senatarrada ismaamullada Elgeyo Marakwet, Kakamega , Kericho , Meru iyo Bomet ee kala ah Kipchumba Murkomen, Cleophas Malala, Aaron Cheruiyot, Mithika Linturi iyo Christopher Lang’at ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ay dowlad deeganadooda lacago badan heli lahayeen balse diiday inay qaabka dakhli qaybsiga taageeraan iyagoo garab istaag u muujinaya ismaamullada laga cabsi qabo inay ku khasaraan.
Waxaa uu dhanka kale xubnaha aqalka sare oo yeeshay ugu yaraan sagaal kal-fadhi ugu baaqay inay muranka in muddo ah jiray soo gabagabeyaan.
Mr. Odinga ayaa soo jeediyay in senatarrada ay ku dadalaan inuusan jirin ismaamul lacago ku waaya ansaxinta hannaanka lagu kala qaybsamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here