DHAGEYSO:Raila Odinga oo Kenyaanka ugu baaqay inay ka ra’yi dhiibtaan warbixinta BBI

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM ahna ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Raila Odinga ayaa shacabka ku boorriyay inay soo dhaweyaan oo aynan aragtidooda ku biiriyaan warbixinta uu 27-kii bishii hore soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Siaya ayuu Raila Odinga hoosta ka xarriiqay in dhaqangelinta warbixintan ay horumar u horseedeyso dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay qeyb ka tahay geedisocodka isaga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ugu jiraan in xal waara loo helo arrimo horay la isugu qabsaday.
Raila Odinga ayaa sheegay in qodobbada warbixinta guddiga BBI ku xusan markii horay ay soojeediyeen dadweynaha kaddibna dib loogu celinayo maadama la isku dubariday.
Mr. Odinga ayaa dhammaan shacabka ka codsaday inay akhriyaan oo ay mar kale soo gudbiyaan isbeddelada ay doonayaan in gudaha wadanka laga sameeyo.

Hadalka Raila ayaa ku soo aadaya iyaadoo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah la isula meel dhigin qaabka loogu tallaaba qaadayo warbixinta.
Siyaasiyiinta qaar ayaa ka soo horjeedo in la qabto afdi dastuurka wax looga beddelayo.
Waxay ku doodayaan in baarlamaanka uu awood u leeyahay inuu isbeddelada la soo jeediyay sameeyo.
Hasa ahaate guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in warbixinta dib loogu celiyo dadweynaha.
Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray Raila Odinga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Kulankaasi iyo gacan qabsi xigay ayaa meesha ka saaray xaaladdii cakirneyd ee xilligaas wadanka uu ku jiray.
Waxyaabaha warbixinta lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in dalka uu yeesho ra’iisul wasaare baarlamaanka ka tirsan.
In qofkii soo sheego fal musuqmaasuqa boqolkiiba 5 laga siiyo hantida la dhacay ee dib loo soo helo.
In hadii barasaabka ismaamulka uu qof rag ah yahay ay ku xigeen haweeney u noqoto.
In meesha laga saaro xilalka xoghayayaasha wasaaradaha ugu sarreeya ee dhanka maamulka iyo arrimo kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here