DHAGEYSO:Raila Odinga oo laga waayay cudurka Covid-19

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Mr. Raila Odinga ayaa maanta helay natiijada ka soo baxday baaritaan la xiriira cudurka Covid-19 oo shalay lagu sameeyay.
Mr odinga ayaa soo bandhigay shahaado xaqiijineyso in cudurkaasi laga waayay.
Waxaa cudurka looga baaray machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee KEMRI.
Waxaa uu fursadda uga faaiidaystay inuu Kenyaanka ugu baaqo inay cudurka iska baaraan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shacabka ugu baaqay inay raacaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka sida isticmaalka afxirka iyo kala fogaanshaha.
Dhanka kale madaxa ODM ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu senetarrada ODM ku amray inay badbaadiyaan Waiguru.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here