DHAGEYSO:Raila Odinga oo mar kale ku baaqay in lala xisaabtamo dadkii lala xariiriyay fadeexadii biyo xireenada

Hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka NASA ahna ergeyga midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha dhaqaale Mr. Raila Odinga ayaa mar kale soo cusbooneysiiyay siyaasadda la xariirtay fadeexadii biyo xireenada Arror iyo Kimwarer.
Xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Elgeyo Marakwet ayuu Odinga sheegay in waaxyaha dambi baarista laga doonayo inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid waliba oo fadeexadaasi lala xariiriyay.
Waxaa horay dalka looga hadal hayay in ugu yaraan 21 bilyan lagu lunsaday mashruucaasi balse ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay in dowladdu ay bixisay oo keliya 7 bilyan.
Raila Odinga ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii uu mashruucaasi ku soo bilowday iyo inuu rumeysan yahay in siyaasiyiinta qaar ay sare u qaadeen qiimihii lacageed ee la qorsheeyay in lagu fuliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here