DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay inaan la hor istaagi karin kulamada BBI

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM , Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday inaynan jirin cid hor istaagi karto isku soo baxyada lagu qabanayo ismaamullada kala duwan ee dalka ee dadweynaha lagu wacyigelinayo arrimaha BBI.
Mr. Odinga ayaa xusay in la joogo xilligii shacabka la fahansiin lahaa qodobbada ku xusan warbixinta 27-kii bishii 11-aad ee sannadkii tagay lagu soo bandhigay xarunta Bomas ee Nairobi.
Waxaa warbixinta soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI oo maalmo ka hor muddo kordhin loo sameeyay sido kalena xubnaha ka tirsan magacyadooda lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Hadalka Raila ayaa ku soo aadaya iyadoo berri oo sabti ah lagu wado in fagaaraha Tononoka ee ismaamulka Mombasa lagu qabto isku soo baxa BBI.
Kulankan ayaa noqonaya midkii saddexaad maadaama toddobaadyadii ugu dambeeyay shirar noocan oo kale ah ay ka dhaceen dowlad deegaanada Kisii iyo Kakamega.
Raila Odinga ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta xulafada la ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo carrabka ku dhuftay inay isku soo baxa Mombasa ee berri ay ka qeyb galayaan inay qas wadayaal yihiin.
Madaxa ODM ayaa xusay inay fikrad qaldan tahay inuu qof iska dhaadhiciyo inuu awood ama qaab kale ku carqaladeyn karo shirka.
Barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho oo dhankiisa ka hadlay kulanka berri halkaas ka dhacaya ayaa ku baaqay inaan la carqaladeyn.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here