DHAGEYSO:Raila oo beeniyay in madaxda bartamaha dalka ay ku taageereen la wareegidda hoggaanka

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga ayaa waxba kama jiraan tilmaamay wararka sheegaya in booqasho ay gurigiisa deegaanka Bondo ku tageen qaar ka mid ah madaxda gobolka bartamaha dalka ay ahayd mid garab lagu siinayo sidii uu 2022-ka u noqon lahaa madaxweynaha dalka.
Waxaa uu xusay in kulankaas looga gol lahaa in lagu sii xoojiyo xiriirka ka dhexeya qowmiyadaha ay isaga iyo madaxweynaha dalka ka soo kala jeedaan si bulshooyinka kale ay ugu daydaan.
Raila ayaa sheegay in warbaahinta qaar aysan ka run sheegin ujeedka shirkii ka dhacay deegaanka Bondo ee Siaya.

Mr. Odinga ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu shalay isla deegaankaas ku qabtay xaflad lacag uruurin ah oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin iyo ganacsato.
Waxaa uu dhanka kale maxkamadda ku dhaliilay amarka ka soo baxay ee ay ku sheegtay in aan dugsiyada dib loo furi Karin ilaa iyo inta laga xaqiijinaya in la dhaqangeliyay dhammaan waxyaabaha looga hor tagaya cudurka COVID19.
Mr. Odinga ayaa arrin laga shalaayo ku tilmaamay in maxkamaddu ay is hor taagto qorsha dowladda iyadoo kormeer lagu sameeyay lagu ogaaday in goobaha waxbarashada si tartiib ah loo furi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here