DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo deeq gaarsiiyay caruur uu dhalay Wariye ka tirsanaa Warbaahinta dowlada

Kadib markii Maalin kahor isbitaalka Yardamiini ee Magaalada Muqdisho ay labo caruur ah oo Mataano ah ay ku dhashay Xaaskii uu ka geeriyooday wariye Cabdinaasir Cabdiille Gacal oo ka tirsanaa Idaacada Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waxaa la gaadhsiiyay qoyska iyo Caruurta Deeq lacageed oo uu soo dhiibay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre.
Agaasimaha Ciidada Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Maxamed Muuse Maxamed oo loo wakiishay deeqda uu ra’isulwasaaruhu soo dhiibay iyo qaar ka mid ah saaxiibadii ay isla shaqaynayeen ayaa warbahainta la hadlay waxaana hadaladooda ka mid ahaa.

Ibraahim Maxamed Xassan agaasimaha isbitaalka Yardamili ee ay caruurtaan ku dhasheen ayaa dhankiisa balan qaaday damaana qaadka caafimaad ee caruurtaan.

Shamso Maxamed Amiin oo ah Hooyada dhashay Wariye Cabdinaasir Cabdille Gacal ayaa Ra’isulwasaaraha kaga mahadcelisay Garab istaaga uu u sameeyay qoyska Marxuumka.

Wariye Cabdinaasir Cabdille Gacal ayaa 14 Bishii Agoosta ee sanadkii hore ku geeriyooday Degmada Awdheegle ee gobolka shabeelada Hoose xili uu Qarankiisa u shaqaynayay wuxuuna ka mid ahaa dhalinayada gudaha dalka wax ku bartay kadibna wadankooda u shaqaynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here