DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo gudiyada ka hortaga Covid ugu baaqay inay cududooda Mideeyaan

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo gudoomiyaha Kulanka Joogtada ah ee gudiga ka hortaga Cudurka Corona ayaa xubnaha gudiga wuxuu ku adkeeyay in looga baahan yahay shaqo adag oo ay tahay sida ugu haboon inay uga soo baxaan.
Ra’isulwasaare Khayre wuxuu sheega in Xilli adag lagu jiro, qof walba oo wasiir ah iyo qof waliba oo Mas’uul ahna ay tahay xilligii ay dalkiisa iyo dadkiisu u baahnaayeen sidaas darteedna ay tahay waqtigii qof waliba oo muwaadin uu bixin lahaa dadaalka ugu badan ee badbaadada umadiisa.

Dowlada Soomaaliya ayaa Hirgalisay Xarunta ka hortaga cudurka Covid oo si casri ah loo diyaariyay waxayna ka jawaabeysaa dhammaan wicitaannada teleefanka gaaban ee u gaarka ah Covid19 ee 449, sidoo kalena waxay bukaannada ku xirtaa qeybaha kala duwan ee la tacaala cudurkan.
Dadka xarunta soo waca oo 24 saac kasta oo gaaraya ilaa 4,000 (Afar kun) oo qof oo kala jooga goballada dalka Soomaaliya oo dhan, ayaa kala ah Bukaanno ka sheeganaya calaamadaha cudurka balse ay xaaladdoodu fududdahay, Bukaanno xaaladdoodu adagtahay iyo Dad laga geeriyooday.
Bukaannada xaaladdoodu fududdahay waxay talooyin cafimaad ka helaan dhaqaatiirta xarunta ku sugan, Bukaannada xaaladdoodu adagtahay waxay xaruntu u dirtaa gaadiidka gurmadka degdegga ah oo isbitaal Martiini toos u geeya, Dadka laga geeriyoodayna waxay xaruntu ku xariirisaa xafiisyada dowladaha hoose ee loo diyaariyay ka shaqeynta aaska meydadka looga shakisan yahay inay xanuunkan COVID-19 u geeriyoodeen.
Xarunta Dhexe ee Xiriirka cudurka Covid 19 ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadata ka wacyi-gelinta bulshada Khatarta uu leeyahay cudurkaan COVID-19.
Dhalinyaro Soomaaliyeed oo u tababaran howshaan ayaa Goobta ku sugan waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin shaqada ay dadkooda u hayaan xiligaan adag ayadoo dhanka kale Faahfahain ka bixiyay howlaha ay qabtaan iyo sida ay u Wajahaan marxaladaan adag.

Hirgelinta xaruntan ayaa meesha ka saareysa jahawareerka iyo walwalka ay la kulmayeen dadka isku arka astaamaha lagu garto Covid-19, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysaa uruurinta xogta dadka uu cudurku ku dhacay iyo kuwa ay xiriirka la yeesheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here