DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay xaalada Cudurka Covid 19

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo xalay Shacabka la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay Xaalada cudurka,halka ay ilaa iyo hada wax marayaan dadaalada dowlada iyo baaqyo uu u diray dhinacyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee k a dhasha COVID-19, lana dhimahy canshuurta raashinka daruuriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here