DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ku baaqay in maamul loo dhan yahay Galmudug loo dhiso.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug wuxuu si rasmi ah uga daah furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta beelaha daga deegaanada Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo kala mataleysa dhammaan dadka reer Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Khayre oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynahadib u heshiisiinta Galmudug uga mahad celiyay dadaalkii ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaan uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha dadka reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka Soomaaliya.
Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodaka dhismaha Galmdug dhammeys ah oo lasoo gaarsiiyay heerka ay maanta marayo, wuxuuna shirka u rajeeyay inuu guul ku dhammaado.
Ra’isulwasaaraha ayaa Xusay in Galmudug tahay xudunta dalka Soomaaliya hadii ay xuduntu bugtana inta kale aysan caafimaad ahayn isagoo bulshada gobolka,masuuliyiinta iyo waxgaradkaba ka codsaday inay dhistaan maamul ka dhexeeya oo ay wada jir u difaacdaan.

Shir-weynaha dib u heshiisiinta beelaha daga deeganada maamulka Galmudug ayaa inta uu socdo waxaa looga tashanayaan dhismaha Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayaan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii June ee sannadkaan waxa uu deegaannada Galmudug ka bilaabay dadaal gundhiggiisu ahaa ka guul gaaridda geeddi sococdka qorshaha reer Galmudug ay ku dhisanayaan dowlad gobaleed dhammeys ah oo loo simanyahay, wanaana dadaalladaas soo dhaweeyeeyay beesha Caalamka, reer Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here