DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay halkay ka dhacayso Doorashada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Khayre oo Xalay ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ka Soo wareegtay maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya ayaa shaaciyay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul gobaleedkaasi sidoo kalena laga dhabaynayo isku keenista shacabka ku nool deegaanada maamulka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in magaalada Dhuusamareeb ay soo buuxisay shuruuddii ku xirnaya inay marti geliso gogoshaan muhiimka ah
Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta ee maamulka Galmudug Sh Maxamed Shaakir aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay la wareegaan amniga magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga dowladda dhexe inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa sheegay in markii uu gobolada dhexe u soo socday si uu dib u heshiisiin uga bilaabo deegaanada maamulka Galmudug lagula Taliyay inuusan aadin Galmuudg maadaama uu Tilmaamay inay dad badan aaminsanayeen inuusan arinta Galmudug Xal ka keeni doonin sidoo kalen loo sheegay inuu ku soo Fashilmi doono.
Balse wuxuu Tilmamay in masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo shacabka deegaanku ay arintaas beeniyeen isagoo ku amaanay doorkooda dib u heshiisiinta wuxuuna dhamaan Magaalooyinkii uu soo maray iyo kuwa u dhimanba uu Ra’isulwasaaruhu dadka ku nool ka codsaday inay ka qayb qaataan dhismaha Galmudugta Cusub ee loo dhan yahay.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliy Xassan Cali Khayre ayaa deegaannada maamulka Galmudug mudda toddobaad ah ku joogay safar shaqo oo uu ku doonayay inuu ku gaadhsiiyo dadka reer Galmudug dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeeysa danaha bulshada deegaanka iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.
Qorshaha Ra’isulwasaare Khayre uu Galmudg ku tagay ayaa hada u muuqda inuu Guul ku soo dhamaaday maadaam uu magaalooyin badan oo qaarkood khilaafyo ka jireen booqday hogaamiyeyaasha iyo shacabkana la soo hadlay sidoo kale la isku raacay inay doorashada Galmudug dhacdo lana soo dhiso maamul loo dhan yahay oo matalaya dhamaan shacabka deegaanada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here