DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ku maaqay inaan la siyaasaday shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay jiraan dad ku fikiraya Xilalka ay ka heli karaan dhismaha Galmudugta cusub ee hada Howsheeda lagu jiro,hayeeshee kuwaas looga baahan yahay inay ka fikiraan mustaqbalka dadka reer Galmudug iyo caruurta u baahan inay ku barbaaraan Mustaqbal ifaaya.
Ra’isulwasaaraha ayaa intaasi ku daray in dadka ku howlan dhismaha Galmudug sida ay u dhaqmaan ay ku xiran tahay Mustaqbalka dadka ay matalayaan,waxaana uu ugu baaqay Odayaasha & Waxgaradka deegaannada maamulka Galmudug inay isku dulqaata danta gaarka ahna ay uga maarmaan mida guud si loo helo dhismaha maamul xalaal ah.
Isagoo hadal ka jeedinayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayuu sheegay in shirkaan uu gogol xar u noqon doono hay’adaihii kala duwanaa uu lahaa Maamulka Galmudug lana doonayo in la sii xoojiyo.

 

Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan Madaxa Xukuumada ee maamulka Galmudug ayaa dhankiisa ka hadlay dagaalka lagula jiro AL-shabaab wuxuuna xusay in deegaano badan oo hoos yimaada maamulka Galmudug ay qaab afduub ah Shabaab dad ugu haystaan sid auu xusay.
Qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ayuu ugu baaqay inay la dagaalamaan AL-shabaab si looga saaro deegaanada maamulkaas ee ay wali gacanta ku hayaan isagoo intaasi raaciyay inaysan wax la qaadan karo ahayn dadka Galmudug inay dhexdooda is khilaafaan ayagoo sida uu sheegay leh waxa uu ugu yeeray khawaarij dagaal kula jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here