DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo kulamo la qaatay shacabka Garowe.

126

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudan Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka qeyb galay afur sharafeed uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku sugan magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland.
Afurka Sharafeedka ay maamulka gobalku u sameeyeen waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay wasiirro xukuumadda Soomaaliya ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Mas’uuliyiin Kale.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu xalay booqday qaar kamid ah goobaha ay bushadu ku kulanto ee ku yaala magaalada Garowe si uu u xog waraysto shacabka magaalada, isagoo sidoo kale tegay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga ku yaala magaalada Garowe.
Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda ,nabad geliyada iyo horumarka ay iska kaashadeen eek a jira magaalada garowe.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya oo ka mid ahaa masuuliyiintii xalay Ra’isulwasaaraha ku wehlinayay afur sharafeedka uu maamulka gobolka Nugaal u Sameeyay ayaa madaxda iyo shacabka gobolka u mahadceliyay isagoo kula dardaarmay inay u midoobaan hormarinta dalkooda.

Magaalada Garowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa wali ku sugan madaxda ugu saraysa dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada gobolada waxaana halkaas uga socda shirka wadatashiga Qaranka ayagoo ka wada hadlaya arimo muhiima ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka,amaanka,amaaraha qaybsiga khayraadka iyo qodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here