Dhageyso:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Kulankii Ugu Horeeyay La Yeeshay Gudiga Doorashada

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya maxamed Xusen Rooble ayaa kulan la yeeshay Gudiga Doorashada Heer Federaal iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, waxaana intii kulanku socday looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiindar-dar galinta arrimaha dorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhici doona.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulanka wuxuuna faray Gudiga Doorashada Heer Federaal iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka inay ka fogaadaan wax waliba oo caqabad ku noqon kara doorashada soo aaddan ee Soomaaliya.
Guddiyada maadaxa bannaan ayuu sheegay inay lagama maar maan u yihiin doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.
Guddiga ayuu kula dar daarmay Ra’iisul Wasaare Rooble inay ka shaqeeyaan cadddaaladda, isagoo sheegay in loo baahan yahay inay ilaaliyaan qoondada Haweenka ee Siyaasada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here