DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Maanta tagaya magaalada Caabudwaaq.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan Magalada Cadaado iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inay safar dhanka dhulka ah ku tagaan degmada Cabduqwaaq ee gobolka Galgaduud.
Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Caabudwaaq gaaray wufuud horudhac u ah safarka ra’iisul Wasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.
Sidoo kale Xildhibaano, iyo xubno kale oo ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa tegay degmada Cabudwaaq,iyagoo sii diyaarinaya soo dhawaynta Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ee degmada Cabudwaaq.111
Magalada Cabduwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garowga soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha,waxaana wadooyinka Magaalada la Suray sawirka Ra’iisul Wasaaraha,waxana ammaanka siweyn u adkeynaya qaar ka mid ah Ciidamada ilaalada Ra’isulwasaaraha iyo Ciidamo ka tiursan dowladda ee ku sugan degmada Cabudwaq

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu tago degmada degmada Cabudwaaq waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta degmadaas,qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Odayaasha degmadaas si uu wadatashiyo ula yeesho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here