DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo sagoontiyay ciidamo howlgal u baxayay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Wuxuu Xalay markale xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan booqasho sagootin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay howl gallo gaar ah oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin.
Xasan Cali Khayre Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ciidamada uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay inay xooggaga Dowlada Diidan ka saaraan deegaannada loo qorsheeyay inay ka fuliyaan howl gallada gaarka ah ee ay hada bilaabayaan.

Ciidamada uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre sagootiyey ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha ee dagaalka ee Gobolada dalka Soomaaliya qaarkood,kuwaasoo dagaal xoogan kula jira Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay booqashada dardaaranka iyo sagootinta isugu jirtay ee lagu dhiirri gelinayay ciidamada Cusub ee howlgalka u baxay.
Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada ka dhan ah Al-Shabaab ee Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ay ka fulinayaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya,Saraakiisha ayaana sheegtay inay howlgaladaasi sii soconayaan ilaa iyo inta guud ahaan dalka Soomaaliya laga ciribtirato Xoogga AL-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here