DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo shacabka reer Gaalkacyo.

62

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo wali ku sugan gobolada Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa wuxuu shalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo kula kulmay dhalinyarada magaaladaas gaar ahaan dhanka maamulka Puntland.
Ra’isulwasaaraha ayaa markii uu dhalinyaradaas la kulmay u sheegay inay waajib ku tahay da’yarta Soomaaliyeed ka qayb qaadashada hormarka dalkooda gaar ahaan magaalada Gaalakcyo oo labo maamul ay ka kala arimiyaan sidoo kalen marar badan ay ka dhaceen dagalo Maleeshiyaad u dhexeeyay.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay inay Gaalkacyo ka soo jeedeen in badan oo ka mid ahaa dadkii xoriyada u dhaqaaqay sidaas darteedna lo baahan yahay in magaalada Gaalkacyo noqoto magaalo Nabad ah oo aan kala qoqobnayn si ay dalka intiisa kale Tusaale wanaagsan ugu noqoto.

 

 

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa Garoonka kubada Cagta ee Maxamed Cawaale ee magaalada Gaalkacyo shalay kula hadlay boqolaal dhalinyaro ah.
Dhanka kale waxaa booqashada Ra’isulwasaaraha ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo dhaliil ka keenay Maamulka puntland oo deegaan ahaan maamula halkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdirxmaan Dhamancad ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ka weecday maqaamka sare oo ay ugu talo galeen inay kusoo dhaweeyaan,isla markaana qorshayaal kale oo u gaar ah uu la tegay Gaalkacyo sida uu hadalkiisa u dhigay.
Shir Jaraa’id uu Warbaahinta magaalada Gaalkacyo ugu qabtay ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay Madaxtooyadda Gaalkcyo ugu diyaariyeen mas’uuliyiin iyo waxgarad si uu ula kulmo,hayeeshee uu la hadlay dhalinyaro ku sugnaa Garoonka kubada cagta ee magaalada Gaalakcyo.

 

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mamulka Galmudug ayaa waxaa warar soo baxayay ay sheegayeen in booqashada uu ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo ay aheyd mid aan horay loo sii qorsheyn,hayeeshee hadalkaan kasoo yeeray Maamulka puntland uu qeyb ka yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulkaasi puntland.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu deegaanada maamulka Galmudug u joogaa fidinta gogosha dib u heshiisiinta dadka deegaanada maamulkaas ku nool iyo dhismaha maamul loo dhan yahay oo deegaanadaas laga hirgaliyo wuxuuna sodaal Mudo ah ku qaadanayaa magaalooyin kala duwan oo Galmudug ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here