DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo wali ku sugan gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa xalay ku hoyday Magalada Dhusamareeb Xarunta ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna Kulamo la qaadanayaa Madaxda Ahlusuna ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb
Ra’iisul Wasaaraha oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay degmada Cabudwaaq ayaa soo maray deegaanada Huurshe iyo xeraale oo wada tirsan Gobolka Galgaduud,waxayna dadka deegaanka Xeraale ay ku wareejiyeen Ra’isulwasaaraha Gaadiid dagaal iyo ciidan uu sheegay inay ka mid noqon doonaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ra’isulwasaaraha ayaa sidoo kale sheegay sheegay in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay masuul ka noqonayso amaanka magaalada Xeraale kadib marka ay dowladu si toos ah ula wareegto.
Sidoo kale shacabka iyo Waxgaradka deegaanka Huurshe ee isla gobolka Galgaduud ayuu Ra’isulwasaaruhu ka codsaday inay ka qayb qaataan dhismaha Galmudug loo dhan yahay si ay dadka nabada iyo Hormar ugu wada noolaan lahaayeen.

Xalay Magalada Dhuusamreeb waxaa ka dhacay kulamo kala duwan,waxaana sidoo kale Maanta la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu wadahadallo la yeesho Madaxda Ahlusunna ee ku Dhuusamareeb si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.
Kulamada oo waqti dheer qaadan doona ayaa ugu dambeyn waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha ahlusunna ay heshiis wada gaaraan,isla markaana ay soo saaraan warmurtiyeed ku qodobeysan yihiin waxyaabihii ay ku heshiiyeen.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo maray degmooyin & deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud,sida Cadaado, Dhuusamareeb, Cabudwaaq iyo deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here