DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo xarumo Ciidan Xariga ka Jaray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa si wada jir ah Xariga uga jaray Xarunta Qeybta 21aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Magaalada Cadaado.
Xaruntaan oo ah mid qaab isxilqaan ah ay ku dhiseen bulshada ku nool magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa loogu tala galay inay xarun u noqoto ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qaybta 21-aad eek u sugan gobolada dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shacabka degmada cadaado ku bogaadiyay dhismaha xaruntaas iyo sida ay uga go’an tahay inay dhismaha dalkooda ka qaaateen doorkooda.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Ra’isulwaaaraha ugua mahadceliyay Xariga jarka xaruntaan ciidan wuxuna sheegay in waxa dhiman laga doonayo dowlada dhexe iyo maamulka Galmudug inay dhamaystiraan.

 

Gudoomiyaha Barnaamijka Isxilqaan ee magaalada Cadaado ayaa isna sheegay inay ilaa iyo hada dhiseen dhowr xarumood oo loogu tala galay qaybaha ciidamada ayna sii wadi doonaa howsha ay bulshada u hayaan.

 

gudiga isxilqaan ee Magaalada Cadaado boogaadiyay Howsha wanaagsan ee oo ay bulshada u hayaan isaga oo na sheegay in ay dhameystiri doonaan inta dhiman.
Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Taliska Guud ee Ciidamada Nabad-sugida Galmudug oo uu dhisma xoogani ka socdo waxaana halkaasi ay salaan kaga gudoomeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Nabad-sugida Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here