DHAGEYSO:Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya oo bogaadiyay Matalaada gobolka Banaadir

ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed guulleed ayaa bogaadiyay matalaada 13 Xubnood ee aqalka Sare ay ku yeesheen shacabka ku nool gobolka Banaadir iyo caasimada Muqdisho.
Mahdi Maxamed Guulle Qadar Ra’isulwasaare Ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho ay tahay Astaanta Midnimada Qaranka, ayna istaahisho Seddex iyo tobban Xildhibaan iyo Wax ka badan.
Sidoo kale wuxuu mahadcelin Balaaran u jeediyay golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Meelmariyay matalaada gobolka banaadir.
Isagoo hoosta ka xariiqay inay baarlamaanku yihiin awooda iyo marjaca jiritaanka Soomaaliya lagana doonayo inay shaqdooda u qabtaan sida ugu haboon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here