Dhageyso:Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Uganda

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Qaranka Marwo Seynab Cabdi Macalin oo ku sugan dalka Uganda ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Yuweri Museveni.
Kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Uganda ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay wafdiga ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya, oo lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasabada lagu fura shirkad balaaran oo soo saarta sokorta.
Shirkadaan oo ay leedahay Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga daah furo dalka Uganda.
Wafdiga uu horkacaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka jamhuuriyada Faderalka Soomaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee dalka Soomaaliya Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya Warshadda sokorta.
Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulled Qadar oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inuu Ahmiyad weyn leeyahay isdhexgalka Bulshooyinka Geeska Africa iyo Ganacsiyada dalalka ka dhexeeya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here